Faah Faahin:-Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah Faahin:-Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa saakay waxa ay weerar Culus ku qaadeen Fariisin Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka kadib waxaa goobta ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Al Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada dowlada, iyadoona dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen dadka Deegaanka Degmada Balcad.

War qoraal ah oo lagu baahiyay baraha Internet-ka Ururka Al Shabaab ay wararkood ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in dagaalkii Saakay ay ku qaadeen Fariisin Ciidamada dowlada Soomaaliya ku layaaheen Duleedka Degmada Balcad ay ku dileen ilaa iyo 6 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowlada,sidoo kale ay ku qabsadeen Hub iyo naanad Milatari oo Ciidanka dowlada ay la lahaayeen.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha  Ciidanka dowlada iyo mas”uuliyinta maamulka Degmada Balcad ee ku aadan Weerarkii Saakay Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Fariisinta Ciidanka dowlada ay halkaas ku lahaayeen.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!