Faah faahin dagaal ka dhacay Duleedka Baladweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah faahin dagaal ka dhacay Duleedka Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku waramayan in halkaasi saakay uu ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkan ka dhacay duleedka Baladweyne ayaa uu u dhaxeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya kuwa AMISOM iyo dagaalyahano ka tirsan Ururka Al- shabaab,waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Baladweyne ayaa waxa ay sheegeen in dagaal ay ku qaadeen Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Baladweyne,isla markaana halkaasi uu ka dagaal culus.

Sidoo kale dadka deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa la sheegay in uu jiro Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray,balse aysan ogeyn inta uu la ‘eg yahay Khasaaraha rasmiga ah.

 

Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan gudaha Baladweyne ayaa waxaa la sheegay in hawada ay ka saareyn isgaarsiintii Duleedka Baladweyne,waxaana aad u adeg in macluumaad dheeriya laga helo dagaalkaasi.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!