Faah faahin:-Dad shacab ah oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faah faahin:-Dad shacab ah oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa maanta Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa lagu iibiyo Khudaarta ku dilay labo qof oo shacab ah.

Waxaa la sheegay in kooxo hubeysan ay dil u geysteen labo dhalinyaro ah oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa Suuqa lagu iibiyo khudaarta ee Bakaaraha.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in rasaas xoogan lagu furay dhalinyada la dilay,waxaana durbo goobta ka baxsaday ragii dilka ka dambeeyay.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!