FAAH FAAHIN: Al Shabaab oo weeraray Ciidamada Itoobiya

Read Time:42 Second

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Xoogaga Al Shabaab ay ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Weerarkan oo gaadmo ahaa ayaa lagu beegsaday Ciidamada Itoobiya oo marayay Degaanka Yarbaale oo qiyaas ahaan 30Km u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Iska horimaad culus oo ka dhashay weerarka ayaa labada dhinac ku dhexmaray Degaanka Yarbaale, sida dadka Degaanka ay u sheegeen Mareeg Online.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerarka ay ku dileen Askar ka mid ah kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa ay sidoo kale xuseen in dhowr gaari oo nuuca Dagaalka ay ku gubeen Weerarkii ka dhacay Degaanka Yarbaale ee Gobolka Hiiraan.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkii labada dhinac ku dhexmaray Duleedka Degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %