Faafaahin:- Xildhibaanno lagu dilay weerar jid gal ah Oo ay al shabaab fuliyeen. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faafaahin:- Xildhibaanno lagu dilay weerar jid gal ah Oo ay al shabaab fuliyeen.

Balcad ( Mareeg News ) Warar Dheeraad ah oo  ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in  Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo ciidamo galbinayey.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel dhinaca waqooyi kaga beeggan magaalada Balcad ee loo yaqaano ceel geeloow .

Sida ay wararka sheegayaan weerarkan ayeey alshaab ku dileen labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah askartii la socotay, islamarkaana waxeey  gubeen illaa labo gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaari kuwa dagaalka.

Xildhibaannada la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xildhibaan Eng Ismaaciil Muumin  iyo Xildhibaan Daahir macalin cabdule oo labaduba ka mid ahaa xildhibanada Hir-Shabeelle iyo Gudoomiye ku xigeenka Raaga ceele muuse afweeyne.

Sidoo kale, wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa lix askari ay ku geeriyoodeen oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidamada ilaalada madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo xildhibaanada ilaalo u ahaa.

Ciidamo gurmad ah oo ka kala baxay Johwar iyo Balcad ayaa gaarey goobta uu ka dhacay weerarka ee degaanka , kuwaas oo goobta kasoo waday xildhibaanadii waddada loo galay.

weerarkan Qoraxdhicii maanta ka dhacay wadada isku xerta muqdisho iyo jowhar ayaa ah kii ugu qasaarada badnaa ee lagu qaado Madaxda isticmaasha wadadan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!