Faafaahin:- Qaraxyo Ka dhacay muqdisho iyo Dagaalamayaal Gudaha U galay Wasaarada Arimaha gudaha.
Muqdisho ( Mareeg News ) Sadex qarax oo loo adeegsaday gawaari ayaa lala beegsaday Chek Point-ga Sayidka Oo u dhaw Xarunta wasaarada arimaha gudaha ee dowlada federralka Soomaaliya.
Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Qarax uu ka dhacay Horteeda kadib waxaa gudaha u galay Dagaalamayaal hubeeysan, Sida Laamaha Amaanku Sheegeen, Waxaana ilaa hadda soconaya Rasaas dhawaaqeeda Magaaladda laga maqlayo.
ciidnaka Amaanka ayaa wada dadaal looga hortagaayo Kooxda hubeeysan ee gudaha u gashay xarunta wasaarada Si loo bad baadiyo Shaqaalaha Wasaarada ee xarunta ku sugan.
Comments are closed.