
muqdisho (mareeg news) gaarigii dheynada ahaa Ee waday hilbaha looga shakiyay ineey yihiin kuwa dadka oo maanta laamaha amaanka ay ku qabteen Magaalada muqdisho ayaa la ogaaday nuuca hilbo oo uu waday oo kala ahaa hilib ari hilib lo’ iyo hilbo digaag
laamaha amaanka ayaa Mareeg u xaqiijiyay in 14 qof ay wadeen gaariga kuwaas oo doonayay sida laamaha amniga sheegeen inay suuqyada magaalada ku gadaan hilbkan.
hilbahaan qurmay ayaana waqtigoodii dhacay isla markaasna raggii watay dhawaan waxay ka soo muuqan doonaan maxkamad siday sheegeen madaxda gobolka banaadir.
Tobadkii lasoo dhafay ayeey eheed markii wiil bajaajla ah lagu cirbiday isgooska tarabuunka ee magaalada muqdisho kaas oo markii isbitaalka la geeyay dhaqaatiirta sheegeen In Cudurka HIV Lagu duray.
Sidoo kale Isla todobaadka Hoyooyinka nadaafada ayaa lagu Buufiyay sun Taas oo sababtay in isbitaal loola cararo afaheyeenka gobolka mar xalene ayaa sheegy in arinkaas la baarayo.
dhacdooyinkan ayaana ugub ku ah caasimada oo beryahaan ku soo badanaya.