Mareeg Media
Somalia

FAAFAAHIN:- Duqeen Lagu Beegsaday Saraakiil ka Tirsal Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Jamaame, Jilib iyo Bu’aale oo ka kala tirsan gobolka Jubada Hoose iyo Gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in qasaare baaxad leh kalatey weeraro diyaaradeed oo halkaasi kadhacey.

Dadka deegaanka oo aan xiriir lasameyney ayaa sheegey in seqdii dhexe ee xaley ay arkeen diyaarada nalal waaweyn ifinaaya isla markaana duqeynaayo duleedka magaalooyinkan.

Degmada Jamaame oo katirsa Jubada hoose ayaa dadka deegaanku sheegeen in markii hore ay arkeen iftiin aad u weyn isla markaana ay moodayeen dab ka kacey qeybo katirsan magaalada hase yeeshee daqiiqado kadib maqleen dhawaqa rasaas kadhaceysey 2 diyaaradood oo jawi hoose ku duulayey.

Goobjoogayaal ayaa sheegey in ay arkayeed holaac kabaxaya afka qoriyaha ay isticmaalayeen diyaaradahan arintaas oo dadka deegaanka cabsi ku abuurtey.

Saraakiil kusugan gobolka Jubada hoose oo katirsan DF ayaa sheegaya in weerarka Jamaame lagu diley Teliyihii howl galada Dalka Kenya Cabdirauuf Yuusuf oo loo yaqaano Abuu ayman iyo kudhowaad 100 askari oo heegan ugu jirtey howl galo in ay kafuliyaan dalka Kenya.

Saarkiishan ayaa sidoo kale sheegey in gebi ahaanba laburburiyey saldhigii ugu weynaa Degmada Jamaame.

Dhinaca kale Gobolka Jubada dhexe ayaa lagu soo waramayaa in ay kadhaceen labo duqeymo Degmada Jilib ayaa lasheegey in laduqeeyey xaruuntii maaliyada ugu weyneyd alshabaab iyadoona xiliga laduqeynaayey lasheegey in halkaasi kusugnaayeen guddiga maaliyada iyo maktabka Zakawaadka alshabaab.

Lama oga qasaaraha nafeed ee halkaasi kadhashey hase yeeshee waxaa lagusoo waramayaa in dhismaha guud ahaan la burburiyey.

Degmada Bu’aale ayaa ayadana lagu soo waramayaa in lagu beegsadey amiir sare oo katirsan alshabaab kaas oo lagu magacaabo mahad karataay, warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya waxaana saraakiil katirsan nabad sugidda soomaaliya aan xiriir lasameyney sheegayaan in dhaawac fudud soo gaarey isla markaana 2 ilaaladiisa ah kudhinteen duqeyntaan

Weerarkan ayaa la aaminsan yahay in ay isla fuliyeen dowladaha mareykanka iyo faransiiska oo mudooyinkii danbe howl galo kadhan ah alshabaab kawadey soomaaliya.

Weli wax war ah kama soo bixin dhanaka alshabaab oo ku aadan arintaan

Wixii kusoo kordha dib ayaannidinku soo gudbin doonaa

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!