Mareeg Media
Somalia

FAAFAAHIN:-Duqeemo Lagu Beegsaday Xubna Sare Oo Ka Tirsan Alshabaab

Wararka nagasoo gaaraya Jubooyinka iyo shabeelaha hoose aya sheegaya in gelinkii danbe ee xaley duqeymo kala duwan kadhaceen degmooyin iyo deegano katirsan gaboladaasi.

Weeraradaan ayaa lasheegey in ay ka kala dhaceen Degmada Jilib oo katirsan J/dhexe, Degmada Jamaame oo hoostagta J/hoose iyo Arabow oo ah deegaan kuyaala sh/ hoose

JILIB

Degmada Jilib oo katirsan Jubada dhexe ayaa lasheegeta in laduqeeyey 2 xaruumood.

Duqeynta hore ayaa lasheegey in lagu burburiyey xaruun lagu keydiyo walxaxa loo isticmaalo ismiidaaminta ee lagu xiro gawaarida qaraxda iyo shaqsiyaadka loo yaqaano istish’haadiyiinta ee is qarxiya.

Xaruunta labaad laduqeeyey ayaa lasheegey in lagu beegsanayey sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Xasan Seylici oo katirsan guurada amniyaadka looyaqaano.

JAMAAME

Dhinaca kale degmada Jamaame aya lasheegey in subaxnimadii hore ee saaka laduqeeyey Xaruun cusub oo ah maktabka maaliyada xaruuntaas oo lagasoo rarey Jubada dhexe kadib markii lasheegey in laduqeeyey dhoor habeen kahor.

Xiliga duqeynta dhaceysey ayaa lasheegey in halkaasi kusugnaayeen saraakiil sare oo katirsan maktabka maaliyada ayagoona xiligaa lasheegey in ay dejinaayeen lacago laqa qaadi rabey dadka xoolaleyda iyo beeraleyda ah ee kusugan deegaanada alshabaab gacanta ku haayo.

ARABOW

duqeynta sedaxaad ayaa lasheegey in ay kadhacdey Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan deegaanka Arabow duqeyntaas ayaa lasheegey in lala beegsanaayey shir weyn oo kasocodey deegaankaas kaas oo kasoo qeyb galaayeen madaxda ugu sareysa ee alshabaab weli lama soo sheegin qasaaraha rasmiga ah ee kadhashey duqeynta waxaana saaka gebi ahaanba maqan isgaarsiinta deegaankaasi

Howl galkaan ayaa lasheegey in ay hormuud ka ahaayeen sirdoonka soomaliya waxaana duqeynta fuliyey ciidamada mareykankaa ee kusugan deegaanka Beledoogle oo katirsan shabeelaha hoose diyaaradaha howl galka fuliyey ayaa lasheegey in ay ahaayeen lado diyaaradood oo ah nooca qumaatiga ukaca ee loo yaqaano helecopter ka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!