Faafaahin:- Askar ka tirsan Ciidanka Dowlada oo lagu dilay Muqdisho

Read Time:1 Minute, 8 Second

Muqdisho ( mareeg News ) Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu dilay degmada Wadajir  ee gobalka Banaadir  sida ay dad  goobjoogayaal ah ay u sheegeen mareeg.com.



Dilka ayaa waxaa kooxaha hubeysan ay ka fuliyeen bar kontorool oo ay ku sugnaayeen labadan Askari ee la dilay ee ku yaala Magaalada  Muqdisho.

Waxaana la sheegay in ay dilka fuliyeen kooxo ku huebysan bistoolado, islamarkaana goobta ka baxsaday raggii hubaysnaa dilka kadib, iyadoona  ciidamada NISA ay tageen goobta markii dambe, halkaasi oo ay ka sameeyeen baaritaano, Waxaana dilkaasi sheegtay Al-Shabaab.



War lagu baahiyay baraha ay warkooda ku faafiyaan Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen masuuliyada dilkii xalay loo geystay labadan Askari ee ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiraan Wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Amaanka Dalka, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan Askartan lagu dilay Degmada wadajir ee gobalka Banaadir.

Inta badan Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda waxaa ka dhaca dilal ay geystaan Rag Bastoolado ku hubeysan, waxaana inta badan dilalka nuucaan oo kale ah masuuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab.



Ciidamada amaanka ee dalka ayaa waxaa ay wadaan Qorshihii lagu xaqiijin lahaa Amaanka caasimadda iyo hareeraheeda islamarkaana looga hortagi lahaa dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobalada dalka.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %