Weerarka ayaa ku bilowday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamadda Mareykanka iyo kuwa Al-shabaab.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan xoogan ay Al Shabaab ku qaadeen saldhiga Balli-Doogle, waxaana saldhigan degan ciidamo Mareykan ah oo gacan siiya ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee howlgaladda kawada Goboladda Shabeelooyinka.

War kooban oo kasoo baxay Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay qaadeen howlgal weyn oo ka dhan ah ciidamada Mareykanka ee hogaaminaya dagaalka Shabaab ka dhan ah.