Ethiopian Cudurka Juudaanka qaba oo laga masaafuriyay Soomaaliland

Korneel Max’ed Cali Yuusuf oo ah Taliyaha waaxda socdaalka ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu ka warbixiyay dadkani laga masaafuriyay deegaanada Maamulka Soomaaliland in ay qabeen Cudurka Juudaanka oo ka mid ah Cudurada faafa ee halista ah.

Taliayaha ayaa xusay in dadkaas ay gaarayaan 200 qof kuwaas oo dhammaan ka soo jeeda dalka Ethiopia, waxaana intooda badan ay ku wareejiyeen sida uu yiri Masuuliyiinta dowladda Ethiopia ee ku sugan Xuduuda Maamulkaas Soomaaliland uu la wadaago Ethiopia ee Wajaaale.

Mr Max’ed Cali  Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray in dadkani qaba xanuunka Juudaanka ee u dhashay dalka Ethiopia laga soo qabtay gobolla kala duwan oo ka tirsan Soomaaliland , isagoo carabka ku dhuftay in dadka qaar ay masaafuriyeen kuwa kalana ay iminka wixii ka dambeeya ku tala jiraan in ay dalkooda  u tarxiilaan.

Dadkani qaba Juudaanka ayaa la sheegay in qal qal xoogan ay ku abuureen bulshada  degan Soomaaliland , iyadoona cabashooyin  shacabka ay ka keeneen arrintaas kadibna maamulku waxa uu qaaday tallaabadaas masaafurinta ah.