Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Goordhow Gaaray Jowhar

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa goordhow waxa ay gaareen Magaalada Jowhar ee Caasimada dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wafdiga uu hogaaminayay Guddoomiye Mursal ee gaaray Jowhar ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku Xigeenka Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa lagu wadaa in uu maanta Jowhar ka furo Kal-fadhiga 4aad Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo bilooyinkii dambe fasax ku maqnaa.

Qaban-Qaabada Munaasada Furitaanka Kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa hada waxaa ay socotaa Howlka ay ku Shiraan Xildhibaanada Hirshabeelle ,iyadoona halkaasi ay ku sii qul qulayaan Wafuud Caalami ah.

Ammaanka Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana sugida Amnig iska kaashanaayo Ciidamada dowlada Soomaaliya  iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*