Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Booqday Dhismo Caalami Ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Booqday Dhismo Caalami Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha, waxaana ku soo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenka hey’addaasi Mudane Lu Jing.

Wasiir Axmed Cawad, oo ka qeybgalay shirka sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ayaa isku dayaya soo celinta wax wadaagga Soomaaliya iyo Shiinaha dhinacyada beeraha, waraabka, dab ka dhalinta biyaha webiga iyo mashaariicda horumarineed ee kale ee dib u dhisidda Tiyaatarka Qaranka, Isbitaalka Banaadir iyo wadada isku xirta gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi.

Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waa dowlad saaxiib la ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xiriirka u dhexeeya labada shacab wuxuu soo taxnaa muddo ka badan 600 sano.

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada 
Section of Press and Public Relations

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.