Ergaygii AU ee arrimaha Soomaaliya oo is casilay

Muqdisho – Mareeg.com: Wakiilka gaarka ah ee Midiowga Africa Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu shaqada ka tegay.

Annadif oo maanta saxaafadda la hadley ayaa sheegay inuu xilkaas ka degay, wuxuuna u mahad celiyey dowladda iyo shacaka Soomaaliya.

Ergayga Midogwa Afrika ee Soomaaliyadanjire Annadif ayaa si rasmi ah xilka u wareejinaya 02 July 2014 sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Annadif waxaa hoeshiisa marka uu xafiiska baneeyo sii wadi doona ku xigeenkiisa Lydia Wanyoto Mutende oo u dhalatay dalka Uganda.

“Maadaama aan ka tago Soomaaliya, waxaa i cajab geliyay go’aanka ku aaddan sida ay idin kaga go’an tahay in dalkan lagu soo celiyo nabaddii iyo xasilloonidii, gaar ahaan waxaan ku faraxsanahay in la ogaado in dalka oo colaad ku jiray tan iyo sannadkii 1991-kii in aad hoggaaminsaan, waxaana ku talinayaa in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafyada taagan,” ayuu ergaygu ku yiri madaxda dalka.

Sidoo kale, ergaygan shaqada ka tagaya ayaa wuxuu u mahadceliyay dhamaan ciidamada dadaalka ugu jira nabad kusoo celinta Soomaaliya iyo kaalinta ay ku leedahay beesha caalamka howshan.

“Ciidamada ka socda dalalka Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Sierra Leone iyo Uganda waxay qayb xoog leh ka qaateen nabadeynta Soomaaliya,” ayuu danjire Anaadiif ku yiri hadalkiisa. Isagoo intaas raaciyay. “Inkastoo Al-shabaab quus ka taagan tahay sii wadidda dagaallada Soomaaliya, haddana AMISOM waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya gaarsiiso nabad iyo xasillooni waata.”

Mahamat Saleh Annadif ayaa sanadkii 2012 loo magacaabey madaxa u sareeya ee hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM, waxaana uu dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Chad.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245