Garowe, Mareeg.com: Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa manta gaaray magaalada Garowe ee xarrunta maamulka Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole iyo Ergayga Qaramada Midoobay Somalia Nicholas Kay ayaa markaas kadib kulan ku yeeshay madaxtoyada maamulka Puntland ee magaalada Garowe.
Faroole ayaa sheegay inay isla soo qaadeen Mr. Kay qodobo ay ka mid yihiin doorashooyinka Puntland, Amaanka, siyaasada Somalia iyo xaalada taagan ee gurmadka dadka dhibaatado ka soo gaartay musibadii todobaadkii tagay dhacday.
Waxa uu ku daray madaxweyne Farole inay u gudbiyeen Qaramada Madoobay in si nabadgelyo ah u dhici doonaan doorashooyinka Puntland ee la filayo Jan, 2014.
Nicholas Key oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay qayb weyn ka qaadan doonto sidii loo gargaari lahaa dadka ay duufaantu cayraysay oo u badnaa dad xoolo dhaqato ah, wuxuuna baaq u diray beesha caalamka si ay uga qayb qaataan gurmadka socda.
Isagoo ka hadlayey doorashada soo socota ee Puntland iyo kaalinta ay haweenku ku yeelan doonaan baarlamaanka cusub, wuxuu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in doorashadaasi ay noqoto mid ku dhacda si hufan iyo jewi nabad ah, isagoo dhinaca kale xusay in ay lagama maarmaan tahay in haweenka Puntland ay qayb ka noqdaan golaha wakiillada ee cusub.
Nicholas Kay ayaa tacsi u direy dadweynaha Puntland oo ku aadan duufanti dhacday, waxana uu sheegay in beesha caalamku u taagantahay sidii ay caawimaad u gaarsiin lahayd dadka waxyeeladu ka soo gaartay.
Waxa qorshaha ku jira in dib u deign iyo xoolo loo aruuriyo dadka ku cayroobay duufanta sida uu sheegay Kay.
Doorashooyinka iyo hanaanka loo marayo ayuu xusay inay kawada hadleen Farole oo si wanaagsan uga qanciyay habsami u socodka qaabka u dhacayso doorashadu, iyadoona uu raacshay in haweenku kaalin ku yeelan doonan kuraasta Barlamanka.
Waxa ku sugan Puntland haatan u qaybsanaha Qaramada Midoobey gargaarka bini’aadanimo Somalia Philippe Lazzarini oo u kuurgalaya isna xaalada iyo dhibka dhacay inta uu gaarsiisanyahay.
Waa booqashadii saddexaad ee Nicholas Key uu ku tago Puntland, wuxuuna halkaas joogi doonaa saddex maalmood.
Mareeg.com