Ergayga Qaramada Midoobay Oo Deganaasho Ugu Baaqay Reer Baydhabo Oo Isku Haya Shir

Baydhabo – Mareeg.com: Ergaygga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa ugu baaqay dadka ku nool magaalada Baydhabo iney muujiyaan degananaan.

Nikolas Kay ayaa walaac ka muujiyay xiisadda isa soo tareysa ee ka jirta magaaladda Baydhabo ee la xiriirta shirarka kala duwan ee lagu qabtay magaaladaas ee iska soo horjeeday.

Shirarka ka socday Baydhabo ayaa mid ka mid ah lagu dhisayey maamulka ka kooban 6 gobol, halka kan kalana lagu dhisayey maamul ka kooba 3 gobol, taasoo abuurtay muran iyo khilaaf bulshada u dhaxeeya.

Ergeyga ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso inay muujiyaan deggenaansho, ayna ka wada-hadlaan taageeridda dedaallada ku aaddan dib-u-heshiisiinta.

Nokolas Kay wuxuu soo jeediyay inaan la qaadin tallaabo wax u dhimeysa geeddi socodka nabadda iyo habka lagu dhisayo dowladnimada.

Wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay baahida loo qabo inay si dhaqso leh ay Baydhabo ugu kulmaan dhinacyada ay arrintu khusayso, si wax looga qabto dareenka dhabta ah ee jira iyo rabitaanka dhinacyadda oo dhan.

Nikolas Kay wuxuu sheegay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu taageerayo xoojinta wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta.

30-kii bishi Janaayo ayaa ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo muddo saacado hakad geliyeen shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee 6-da gobol, kaasoo ay diidantahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245