Ergayga Midowga Afrika Ee Soomaaliya Oo Tegay Baydhabo

Read Time:41 Second

Baydhabo, Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo madaxa AMISOM, islamarkaana ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Annadif oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa safarkiisa ku tilmaamay mid la xiriira u kuur-gelidda xaaladda gobolka iyo qaabka ay u howlgalaan ciidanka Midowga Afrika.

Danjiraha ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah odayaasha magaalada Baydhabo, iyagoo kulankooda uga wada hadlay xaaladda ammaanka ee magaalada iyo howlaha ciidanka AMISOM ee halkaas ku sugan.

Wuxuu booqday xarunta uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada koonfur galbeed Soomaaliya, halkaas oo uu kula kulmay qaar ka tirsan xubnaha ka qeyb-qalaya shirka.

Annadif ayaa dhawaan tegay magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan, halkaasoo dhawaan la filayo in lasoo doorto gudoomiyaha gobolkaas.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %