Mareeg.com: Ergada ka qeybgelaya shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa diiday amar shalay ay si wadajir ah usoo saareen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Max’ud, R/wasaare Cabdiweli iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari, kaasoo ahaa in muddo 2 todobaad ah la hakiyo shirkaas.
Madaxda dowladda ayaa sababta shirkaas loo hakniyo ku sheegay iney tahay in la galo wadatashi iyo in shirka laga qeybgeliyo qolooyin la sheegay iney diidan yihiin shirkaas.
Xasan Maxamed Xuseen oo ka mid ah ergada ka qeybgeleysa shira maamul u sameynta Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay ineysan hakin doonin shirka.
Xasan ayaa xusay in maalinta Khamiista ah ay dooran doonaan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, maadaama ay horay u ansixiyeen dastuurka uu maamulkaas yeelan doono.
“Madaxda dowladda maaha iney soo raraan khilaafka iyaga u dhaxeeya, shirkaana ma joojin doono, khamiistana waxaa ergadu dooran doontaa madaxweynaha maamulka” ayuu yiri Xasan Maxmed.
Shirka maamul u sameynta Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ee uu horay madaxweyne Xasan uga furay Baydhabo ayaa waxaa ka horjeeday qeybo badan oo ka tirsan bulshada goboladaas.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.