Ereg oo loo rabo wasiirka aminga qaranka Soomaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Kadib markii 24-kii bishii hore uu is casilay wasriikii Amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariim Xuseen Guuleed waxaa socday dedaallo lagu doonayo in lagu buuxiyo booskiisa, waxaana laga yaabaa in isku shaandheyn golaha wasiirrada ah ay dhacdo.

Siyaasiyiin iyo dad kale oo galangal ku leh arrimaha dalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney wadaan qorshe booskii C/kariim Xuseen Guuleed loogu badelayo talihii hore ee Nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo ay isku heyb yihiin wasiirkii xilka wasaaradda Amniga Qaranka iska casilay.

Inkastoo ay jiraan dad doonaya in Ereg xilkaas loo magacaabo, hadana waxaa go’aanka iska leh raysulwasaaraha oo la tashanaya madaxweynaha.

Ereg oo aad uga dhex muuqday hay’adda Nabad Sugidda intii xilka taliyaha gobolka Banaadir laga qaadin ayaa haatan weli ka mid ah hay’addaas, wuxuuna horay uga badbaaday qarax gaari oo lala beegsaday.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245