Eray ay Kenya warbaahinta u marisay Dowlada Ethiopia oo xumaasad dhaliyay (Warbixin) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Eray ay Kenya warbaahinta u marisay Dowlada Ethiopia oo xumaasad dhaliyay (Warbixin)

Wararka laga helaayo dalka Kenya ayaa sheegaya in xurguf Siyaasadeed uu ka dhashay hadal dhawaan Dowlada Kenya ay baahisay.

Hadalkaani ayaa ahaa shaki ay Kenya ka muujisay in Dowlada Ethiopia ay Hub iyo hantiba ku bixiso Alshabaab taasi oo sababtay in Kooxdu ay weerar ku qaadi weyso dhismooyinka ugu caansan ee ku yaala Magaalada Adis ababa.

Farah Macallim oo kamid ah Siyaasiyiinta dalka Kenya, ayaa dabayaaqadii Asbuucii tagay warbaahinta ka shaaciyay in sababta loo weerari la’ yahay Ethiopia ay tahay xiriir kala dhexeeya Alshabaab, waxa uuna hadalkaasi dhaliyay Khilaaf hor leh oo ka dhex curta labada Dowladood, bacdamaa Dowlada Kenya aysan raali galin ka bixin.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wada hadal arrintaasi ku saabsan uu Magaalada Nairobi uga socdo Danjiraha Ethiopia ee Kenya iyo Wasaarada Arrimaha Dibadda dalka Kenya, si ay Dowlada Ethiopia ay meel uga soo harto hadalkii kasoo yeeray Kenya.

Hadalkaasi ayaa muujinaayo in Dowlada Ethiopia ay aad uga carootay, kadib markii ay Ergooyin usoo dirtay Nairobi, waxa uuna hadalkaani kusoo beegmayaa iyadoo Kenya ay ku jahwareersan tahay xaalada amaan ee dalkeeda.

Dhanka kale, Ethiopia oo ay cadaawad muuqata kala dhexeyso Alshabaab ayaa xiligaani aad uga feejigan weerar kaga imaada dhanka Alshabaab, walow ay jiraan shakiyo laga qabo in xiriir hoose uu ka dhexeeyo Ethiopia iyo Alshabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!