Eng. Yarisow "Aqoonyanaddu waa inay ka shaqeeyaan mashruuca Aada Iskuulada" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Eng. Yarisow “Aqoonyanaddu waa inay ka shaqeeyaan mashruuca Aada Iskuulada”

Mareeg.com-Kampala, 17 Febraayo 2014 – La Taliyaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka
Madaxtooyada Mudane Cabdiraxman Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay ka
qeybgalay xaflad arday ka qalinjabisay Jaamicadda International Health
Science University (IHSU) loogu sameeyey Kampala.

Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga
ardayda Soomaaliyeed ee IHSU ayaa waxaa ka soo qeybgalay ardeyda IHSU,
guddoomiyeyaasha guddiyada ardeyda Jaamicadaha kale ee Uganda, mas’uuliyiin
ka socotay Safaarada Soomaaliya iyo arday kale. Ujeedada xaflada ayaa aheyd
in wiilasha iyo gabdhaha soo dhameystay waxbarashadooda jaamicadeed lala
qeybsado farxada, loo hambalyeeyo, loona duceeyo, iyo in dar-daaran lagu
siiyo.

Eng. Yarisow oo ka hadlayey munaasabada ayaa xusay sida ay dowladda
Federaalka uga go’antahay dhiirigelinta waxbarashada isla markaasna
dowladdu ay sameeyey labo wasaaradood oo waxbarashada hoose iyo tan sare oo
ujeedadu tahay in kor loo qaado aqoonta oo la helo umad leh aqoon ku filan.
Eng. Yarisow oo u hambalyeeynayey dhalinta cusub ee soo dhameysatay
waxbarasho jaamicadeed in dhammaan aqoonyahanada Soomaaliyeed looga
baahanyahay inay ka wada qeybqaataan mashruuca Aada Dugsiyada si loo gaaro
hadafka ah in hal milyan oo carruur ay helaan waxbarasho tayo leh.

Eng. Yarisow ayaa kula dardaarmay ardayda Soomaaliyeed ee qurbaha jooga
inay marwalba hamiga ku hayaan sidii ay dalkooda wax uuu qaban lahaayeen oo
aqoontooda ay uga faa’iideysan lahaayeen wallaalahood jooga dalka oo aan
fursad u helin inay wax bartaan. Eng. Yarisow ayaa sheegay in aqoontu ay
tahay iftiin loona baahanyahay in laga gudbo jaahilka, dagaalada, xasadka,
colaadaha iyo fowdada, isla markaana ay waxbarashadu tahay tiirka ama
aasaaska nolosha taasoo keeni karta horumar.
DHAMAAD
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President
The Federal Republic of Somalia
+252615479911 or +252699998854
yarisow@presidency.gov.so or engabdirahman@gmail.comkampala

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!