
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Mudane C/raxmaan Cumar yariisoow oo lahadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la beegsadeen xero tababar ka fuliyey deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.
Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad boqol dagaalyahano oo isugu jiray Xoogag hubeysan iyo hogaamiyaal Sare oo ka tirsan Ururka Alshabaab.
“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al Shabbab oo shalay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” ayuu yiri Wasiir Yariisoow .
Dhanka kale Afhayeen u hadlay Ururka Al Shabaab ayaa wuxuu sheegay inaanay jirin Duqeynta Mareykanka ay sheegeen in nay ka fuliyeen Gobolka Baay wax khasaare ah oo lagu gaarsiiyay Dagaalyahanada Shabaab.