Eng Yariisoow Oo Shacabka Ugu Baaqay In Ay La Shaqeeyaan Hay’adaha Amniga
Xukuumada Soomaaliya ayaa Sheegtay in ay foojignaan Dheeraad ah la galinaayo Hay’adaha Amniga Qaranka inta lagu guda jiro Dabaaldaga Munaasabada Ciida ee Fooda nagu soo heysa si looga Hortago Qatar Dhanka Amniga oo ku soo wajahan Shacabka Soomaaliyeed inta ay socto Farxada Ciida.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Eng-C/raxamaan Yariisoow ayaa Sheegay in dowlada ay Hargalinayso Balanqaadkeeda ahaa in Shacabka Soomaaliya ay is badal dhanka amniga ah uga qeybgalaan Munaasabada Ciida iyo Maalmaha xoriyada Qaran.
Mudane Yariisoow ayaa Shacabka ugu Baaqay in la Shaqeeyaan Ciidamada Amniga si looga hortago Qatar waxba oo ka timaada wax uu ugu yeeray Cadowga umada Soomaaliyeed.
Comments are closed.