Ehelada ninkii dalka Mareykanka ku dilay wiil Soomali ah oo sheegay inuu waalnaa! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ehelada ninkii dalka Mareykanka ku dilay wiil Soomali ah oo sheegay inuu waalnaa!

Ehelada iyo Qoyska uu ka dhashay Axmed Aden oo ahaa ninkii Khamiistii lasoo dhaafay magaalada Kansas ku dilay wiil Soomaali ah oo 15 sano jir ah ayaa sheegay in Axmed uu ku dhacay xanuunka dhimirka.

kans_2

Hooyada dhashay Axmed Aden oo hada ku nool magaalada Minneapolis oo wareysi siisay Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in wiilkeeda sanadkii 2012 laga helay cudurka dhimirka ee (schizophrenia).

Cudurka schizophrenia oo ah mid halis ah oo la kala dhaxlo ayaa qofka u ku dhaco maqlayaa codod aan jirin ama arkayo waxyaabo aan jirin, ayaa ah mid aan laga biskoon balse qofka uu ku dhaco laga rabo inuu isticmaalo daawooyin si joogto ah.

Qofka cudurkan schizophrenia uu ku dhaco ayaa miirkiisa caadi noqda marka uu qaato daawooyinka, hadii uu joojiyona dib ayuu ugu soo noqdaa, taasi ayaa keentay in Soomaalida qaarkood cudurkan u yaqaanaan JINNI.

Sanadkii 2011, Axmed Aden ayaa horey loogu xiray magaalada Minneapolis kadib markii uu isku dayey inuu dab qabadsiiyo xarun uu horey uga shaqeyn jiray. Ninkan ayaa shaqadiisii hore laga eryey kadib markii laga shakiyey inuu waalan yahay.

Axmed ayaa isbitaalka la jiifiyey kadib markii lasoo qabtay xili uu weerar ku qaaday xarun kale isagoo sheegaya “…In illaahay usoo diray dadka halkaas joogay…”wuxuuna ku dhawaaqayey “…Nabad iyo Cadaalad…”

Maxkamada Minneapolis ayaa ku xukuntay in si khasab ah lagu siiyo daawada loo qoray isla markaana isbitaalka ayaa la jiifiyey.

Hooyada dhashay Axmed ayaa sheegtay inay dhowr mar damacday in wiilkeeda isbitaal lagu hayo, balse uu kasoo guuray magaalada Minneapolis isagoo aan cidna u sheegin, wuxuuna joojiyey daawooyinkii loo qoray.

Axmed hooyadiis ayaa tacsi u dirtay qoyska wiilkii Cabdisamad Shiikh Xuseen oo ahaa 15 sano jir xaafidul quraan ah, wuxuuna Cabdisamad u dhintay dhaawacyo soo gaaray kadib markii Axmed Aden uu gaarigiisa jiirsiiyey.

Axmed Aden ayaa markii hore sheegay in shilkan uu dhacay kadib markii uu xakameyn waayey gaarigiisa, balse markii danbe u sheegay Booliiska in uu Cabdisamad u maleenayey qof ay horey isu dagaaleen.

Baaritaanka dilkan ayaa waxaa gacanta ku haya hay’ada danbi-baarista ee FBI, iyadoo la baarayo inuu falkan salka ku hayo diin naceyb ama Islaam naceyb.

Axmed Aden ayaa la sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay uu aflagaado iyo handadaad ku hayey Soomaalida tagta Masaajidka Kansas City isagoo gaarigiisa kusoo qoray erayo Islaamka lidi ku ah.

Xaawo Cabdullahi oo ah Hooyada dhashay ninkan dilka loo heysto ayaa sheegtay inuu wiilkeeda uu yahay Muslim balse uu yahay nin aamiirkiisa aan joogin oo u baahan daawo.

Khalid Yusuf

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!