Egayga Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Nichölas Kay Oo Maanta Gaaray Boosaaso

Read Time:2 Minute, 14 Second

Boosaaso, Mareeg.com: Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Sooomaaliya Nichölas Kay ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Waxa uu ka soo kicitamay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo uu kula soo kulmay qaar ka mid ah Musharaxiinta Puntland iyo waxgaradka gobalkaasi oo uu kala soo hadlay arrimaha doorashooyinka.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, maamulka gobalka Bari iyo kan degmada Bosaso.

Waxaa ergeyga loo galbiyay hotelka International Village ee magaalada, waxaana la filayaa in uu la hadlo saxaafadda

Nicholas Kay ayaa la kulm idoono Musharaxiinta Puntland iyo waxgaradka gobalka Bari oo ay ka wada hadli doonaa arriimaha doorashooyinka.

Danjire Nicholas Kay ayaa shalay magaalada Gaalkacyo kula kulmay madaxda dhaqanka iyo musharaxiinta u taagan hoggaanka Puntland ee ku sugan Gaalkacyo.

Kulamada iyo shirarka yaa ahaa kuwa looga hadlay arrimaha doorashada ka dhici doonta Puntland bisha Jannaayo ee sannadka soo socda ayaa waxay dhinacyadu doodo adag ka yeesheen doorashooyinka iyo sidii ay ugu dhici lahaayeen si nabadgalyo ah.

Danjire Kay ayaa wuxuu ugu horreyn la kulmay Issimada gobolka Mudug, waxaana shirka labada dhinac uu ka dhacay aqalka Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah isimada Puntland.

Sidoo kale, wuxuu shir la mid ah midkii uu Kay la qaatay Isimada uu mar kale la qaatay xubno ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Puntland oo ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira qabka loo wajahayo doorashada.

Intaa kaddib, Nicholas Kay wuxuu shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay socdaalkiisii Gaalkacyo iyo wixii uga soo baxay shirarkii uu ku qaatay inta uu ku sugna magaaladaas.

“Gaalkacyo waxaan ku imid safarkeygii ugu horreeyay, sidoo kale safarkan wuxuu ka dhigayaa markii saddexad oo aan Puntland imaado, sababta aan u imidna waxaa weeye doorashada dhacaysa” ayuu yiri Nichölas Kay.

“Waxaan u imid oo kale inaan dhageysto dadka ay qusayso doorashada ee ah madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, musharraxinta iyo odayaasha dhaqanka, waxaana ka maqlay dhammaantood horumarka ay doorashadu sameeysay,” ayuu sidoo kale yiri Kay.

Nichölas Kay ayaa ka digay in hantida dowladda loo adeegsado ololaha doorashooyinka Puntland, wuxuuna xusay inuu kusoo laalaaban doono deegaanada Puntland.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay in kulamadii dhacay oo dhan la isku afgartay, wuxuuna inay rajeynayaan in doorashada nagu soo fool leh ay ku dhacdo si nabadgalyo ah, halkaasna ay ka baxday walaac ay dadku qabaan.

Nicholas Kay wuxuu muhiim ku sheegay magacaabista guddiga khilaafadka iyo baarlamaanka isagoo xusay in la doonayo inay noqdaan kuwo wax saxa maadamaa sida uu sheegay la joogo xilligii guddiyadaasi lasoo magacaabi lahaa.

Doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ayaa la filayaa iney dhacdo 8-da bisha Janaayo ee sanadka cusub oo ay iminka naga xigaan dhowr todobaad.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %