Baledweyne, Mareeg.com: Cabasho kulul ayaa odayaasha iyow axgaradka Baledweyne u gudbiyeen wafsi wasiiro ah oo shalay gaaray magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan, iyadoo dhawaan uu halkaas ka dhacay qarax ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux.
Wafdiga wasiirada ah ee xukuumadda Soomaaliya u dirtay Hiiraan ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xusseen Guuleed, wasiirka kheyraadka dalka, C/risaaq Cumar Max’ed, taliyaha booliiska Soomaaliyeed Jen. C/xakiim Daahir Saacid iyo xubno kale.
Wafdiga xukuumadda ayaa booqasho ku tegay saldhiga booliska Baledweyne oo dhawaan Alshabaab qarxiyeen iyo Isbitaalka magaalada oo ay yaallan qaar ka mid ah dadkii weerarkaas ku dhaawacmay.
Kulankii ay wafdigaani la yeesheen dadka deegaanka Baledweyne ayaa si kulul dowladda loogu dhaliilay iney ka jiifatay arrimaha amaanka iyadoo magaalada Baledweyne ay labo bilood oo isku xiga ka dhaceen labo qarax iyo weeraro dad badan ku dhinteen.
Nabaddoon Max’ed Sheekh Aadan oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadllay kulanka oo ka dhacay Baar lagu magacaabo Hilaac, ayaa si weyn ugu dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya in iska hilmaantay sida uu hadalka u dhigay gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in wax lala yaabo tahay mudo ka badan Labo sano in aan wax hormar ah laga sameyn dagaallka ka dhanka ah deegaannada kale ee gacanta ugu jira Al-shabaab.
“Waa wax lala yaabo in bil gudaheed magaalada Beledweyne lagu dillo ama ay ku dhintaan dad tiradoodu ay kor u sii dhaafeyso 58 qof, waxaad moodaa in arintaa ay ugu tallagashay dowladda oo raali ka aheyn in horay loogu sii socdo deegaannada kale ee laga soo abaabulayo weerarada Ismiidaaminta ah ee tirada intaa la eg ku dhimanayaa” ayuu yiri nabadoon Max’ed Sheekh Aadan.
“Markii uu weerarka ka dhacayay saldhiga waxaa ku sugnaa ciidamadii hore ee booliiska Soomaaliyeed oo u badnaa rag odayaal ah oo aan wax hub ah heysan, taasoo muujineysa sida ay dowladda wax dan ah uga laheyn ciidamada, sidaa daraadeed waxaan Af buuxa ku leenahay oo aan marnaba qarineynin in dowladda federaalka Soomaaliya ay dayacday gobolka Hiiraan,’’ ayuu sidoo kale yiri nabadoon Max’ed Sheekh Aadan.
Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka C/kariin Xusseen Guulleed oo kulanka ka hadllay ayaa sheegay in ay qaadanayaan dhamaan wixii dhaliil ah oo ay u sii jeediyaan waxgaradka gobolka Hiiraan, laakiin waxaa uu meesha ka saaray eedeynta ah in dowladda federaalka idhaha ka qabsatay wax ka dhacaya gobolka.
“Sida uu nabadoonka sheegay runtii waa wax aad looga naxo in mudo Bil gudaheed ah la dillo tiro dad ah oo intaa la eg, laakiin dhibaatada kooxda Al-shabaab, waxaan oran karnaa meel kasta ayeey ka jirtaa ma’aha gobolka Hiiraan oo kaliya, dowladdana mar kasta si dhaw ayeey ula soctaa xaalada gobolka, waana ka xanuusaneynaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee soo maray oo ay geysteen kooxaha nabad-diidka [Al-shabaab]” ayuu yiri wasiirka.
Sidoo kale, waxaa isna goobta ka hadllay wasiirrka wasaarrada Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed oo sheegay in sababta ay gobolka u soo gaareen maanta tahay tacsi ay ka sideen sida uu hadalka u dhigay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in eedeymaha ka yimid odayaasha dhaqanka ay si gaar ah u taabatay, isaga oo sheegay ay qaadanayaan wixii mas’uuliyad ah oo ku aadan eedeymaha uga yimid odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.
“Waxaan rabaa in aan si gaar ah ugu tacsiyeeyo ciidamada booliiska oo dhibaatada xoogeeda ay saameysay, runtii waa sax in ciidamo halkan laga qaaday oo Muqdisho tababar loo geeyo wax kale ma’aha ujeedadu waxaa ay aheyd in tayadooda sare loo qaado, sida ugu dhaqsiyaha badanna waa ay u soo laaban doonaan,’’ ayuu yiri wasiir Kheyraadka dalka.
Bishaan November iyo bishii hore ee October ayaa labo qarax oo xisay waxey ka dahceen magaalada Baledweyne, waxaana ku naf waayey in ka badan 50 ruux oo u badnaa rayid.
Mareeg.com