Eargaya Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka hadlay howlaha Amisom & xil ka qaadistii Afhayeen Xumud

Read Time:1 Minute, 54 Second

Mareeg.com: Ergayga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman S. Sidikou oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga ugu weyn AMISOM ee Xalane ayaa waxa uu uga hadlay qorshyaasha  howlgalka AMISOM iyo guulaha nabad ilaalinta laga gaaray sanadkii la soo dhaafay ee 2014.

Danjire Sidikou ayaa sheegay in AMISOM ay qorsheyneyso  dhameystirka howlgalka guud ahaan Alshabaab la doonayo in looga saaro gobollada Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ee Midowga Africa ee Soomaaliya aya tilmaamay in howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya uu sii wadi doono taageerada Soomaaliya iyo xoojinta ciidamada xoogga dalka si ay u qaataan mas’uuliyidooda  xilliga loo baahdo in guud ahaan amaanka dalka ay la wareegaan.

Mar uu ka hadlayay guulihii ay si wada jir ah u gaareen ciidamada Midowga Africa iyo xoogga dalka Soomaaliya ayuu Maman S. Sidikou uu sheegay in howlgalkii Gallareyr lagu Alshabaab looga saaray ilaa 10 magaalo.

Danjire Maman Sadiku ayaa sheegay in howlgalkii Badweynta India Al-Shabaab looga saaray ilaa 8 magaalo oo ay ku jirto magaalada Baraawe, Saldhigii ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jirtay  weeraradooda.

Waxa uu sheegay in  ciidamada Booliska AMISOM, Booliska Soomaaliya  iyo ciidanka nabad gelyada ay keentay in dhaq dhaqaaq ganacsi oo xoog leh oo ay ka mid yihiin dhismayaasha casri ah, bankiyo Ganacsi  oo heer caalami ah in ay magalada ka furmaan, iyada oo ay sii dheertahay in carruur badan ay goobaha waxbrashada ka qeyb galaan.

Danjiraha Midowga Africa ayaa sheegay in Midowga Africa ay rejenayaan in dowladda Soomaaliya ay horumar ka gaarto dhinaca siyaasadda dalka iyo in hiigsiga 2016-ka oo ay meel mariso, waxa uuna Baarlamaanka ka rejeyay meel marinta sharciyada aas aasiga ah u ah hiigsiga 2016-ka.

Dhanka kale, Wakiilka gaar ah Ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya oo maanta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xilkii laga qaaday afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xumad,isagoona meesha ka saaray inaan xilka looga qaadin Afhayeenka weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta Taliska ugu weyn AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Danjire, Mamadu Siduku ayaa Xusay in Afhayeen Xumud uu waqtigiisu ku ekaa Dhamaadkii Sanadkii tagay ee 2014-ka.

Cali Aadan Xumud ayaa Xilka Afhayeenimo ee AMISOM waxaa loo magacaabay sanadkii 2012.iyadoona Taliska AMISOM ay shaaciyeen in Xilkaasi laga qaaday, inkastoo Xumud uu sheegay in aan lagu wargalin Xilka qaadista lagu sameeyay.

Mareeg Media

 

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.