Hanoi, Mareeg.com: Duufaanta Haiyan oo dalka Philippines (Filipiin) ku dishay in ka 10 kun oo ruux ayaa Isniintii garaacaday dalka Vietnam, siday ay sheegeen khubaro Mareykan ah oo ka tirsan Xarrun Mareykanka u qaabilsan la socodka dufaanada.
Xarruntaan Mareykanka ah oo fadhigeedu yahay Filipiin ayaa sheegtay in duufaanta Haiyan u gudubtay dalka Vietnam, iyadoo saacadii jareysa masaafo dhan 160 KM saacadii, waxeyna garaacday bariga caasimadda Vietnam ee Hanoi (Haanooy).
In ka badan 600 Kun qof ayaa laga raray deegaanadii ay deganayeen kahor inta aan duufaantu soo gaarin, waxaana dadka ku nool magaalada caasimadda ah ee Hanoi u diyaar garoobayaan roobab mahiigaan ah iyo daadad.
Tobnaaan kun oo dad ah, kuna noolaa caasimadda ayaa laga dalbaday iney ka cararaan deegaanada xeebta ah, islamarkaana tagaan bartamaha dalka.
“In ka badan 174 kun guri ayaan ka rarnay dad gaaraya ilaa 600 kun oo ruux”, sidaa waxaa laga soo xigtay sarkaal ka tirsan qeybta la socodka daadadka iyo duufaanada ee dalka Vietnam.
Dhanka kale, dalka Filipiin oo dhiobaato xoog leh kazoo gaartay duufaantaan ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii loo kaalmeyn lahaa dadka ku nool gobolada dhibaatda ugu badan ka dhacay.
Dowladda Filipiin, Ururada aan dowlaiga aheyn, Britain, Mareykanka, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa kaalmo u diray deegaanada duufaantaani sida aadka ah u waxyeelleyay.
Qaar ka mid ah meelaha la gaarsiiyey ayaa kaalmooyinka ayaa lagala kulmay caqabado kadib markii ay fowdo ka dhalatay, islamarkaana la boobay qaar ka mid ah kolonyadii kaalmada waday, sida ay soo sheegeen weriyaal dhulkaas jooga.
Dufaanta ku dhufatay dalka Filipiin ayaa la rumeysan yahay iney magaalada Tacloban ku dishay ilaa 10 kun oo ruux, islamarkaana barakicisay boqolaal kun, waxaana dumay gebi ahaan guryihii, iskuulladii iyo garoomadii diyaaradaha.
Meelo ka mid ah dhulka duufaantu garaacday ee dalka Filipiin kama jiraan biyo la cabo iyo koronto, waxaana kusii yaraanaya waxyaabaha la quuto, iyadoo meelo badan kaalmada la gaarsiin waayey kadib markii burburka guryaha iyo wadooyinka oo baab’ayay ay hor istaageen.
Kumanaan ka tirsan ciidamada dalka Filipiin ayaa lagu daadiyey deegaanada dufaantu ku dhufatay, waxaana badeecooyinka iyo gargaarka dhulkaas lagu geynayaa diyaarado.
Mareeg.com