Duubabka oo ka madax adeygay madaxweyne Xasan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Duubabka oo ka madax adeygay madaxweyne Xasan

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay galab gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarrunta gobolka Galgaduud ayaa xalay ilaa saaka kulamo la lahaa duubabka dhaqank gobollada Mudug iyo Galgaduud, kuwaasoo diidan in shirka maamul u sameynta gobolladaas lagu qabto degmada Cadaado, taasoo madaxweyne Xasan horay ugu dhawaaqay.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in kulamada ilaa hadda dhacay aan laga gaarin wax natiijo ah, iyadoo qorshuhu ahaa in ergada iyo duubabku maanta oo ah 25-ka Maarso ku sugnaadan Cadaado, hase ahaatee ay soo saareen go’aan sidaas ka duwan oo sheegaya in shirka lagu qabnayo Dhuusamareeb.

Afhayeenka guddiga dhismaha maamulka gobollada dhexe, Cabdiladiif C/llaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ergooyinku  ay madaxweynaha u sharraxeen mowqifkooda ku aaddan halka shirka lagu qabanayo, sidoo kalena madaxweynuhu uu ka hadlay isna mowqifkiisa.

“Xalay illaa saakay waxaa socday kulammo ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ergooyinku ku lahaayeen Dhuuso-mareeb; kulammada intooda badan waxaa looga hadlay sidii mowqif mideysan looga gaari lahaa madasha  shirka qaybtiisa kale lagu qabanayo; balse ma jirto natiijo illaa hadda soo baxday,” ayuu yiri afhayeenka shirka.

Markii duubabka beelaha oo wada jira ku gacanseyreen qorshaha madaxweynaha ayuu saaka bilaabay inuu odayaasha ula shiro beel beel, iyadoo kulamadaas ay labaabadu u xiran yihiin.

Guddiga shirka ayaa habeen hore soo saaray go’aan ay ku sheegayaan in shirka qaybtiisa 2-ad lagu qabanayo magaalada Dhuuso-mareeb, halka markii hore la go’aamiyay in lagu qabto degmada Cadaado ee isla gobolka Galguduud.

Duubabka ayaa sheegay in adeegyada uu u baahan yahay shirka laga helayo magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana aan adeegyadaas laga wada heli karin Cadaado.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxay dhankooda ku adkeysanayaan in shirku uu maanta oo Arbaco ah ka furmi doono magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud, inkastoo arrintu ay u muuqato mid cakiran.

Khilaafkan cusub ayaa ku kallifaya madaxweynaha Soomaaliy, Xasan Sheekh inuu si degdeg ah ku tago magaalada Dhuusamareeb si uu duubabka uga dhaadhiciyo in shirka loo raro Cadaado.

Wafdiga madaxweynaha oo xalay ku hoyday Dhuuso-mareeb ayaa  waxaa ka mid ah; wasiiradda caafimaadka, Xaawo Xasan Maxamed, wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda, Khaalid Cumar Cali iyo wasiir ku-xigeenka caafimaadka, Cusmaan Maxamed Cabdi iyo xubno kale.

Khilaafkaan cusub ee ku saabsan goobta lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud ayaa abuuri kara muran siyaasadeed oo hor leh.

Waa marka hore’e haddii dowladdu ku adkeysato in shirka lagu qabto Cadaado, duubabkuna ku adkeystaan Dhuusa Mareeb waxaa imaan kara in dowladdu aqoonsan weydo natiijada.

Dhanka kale, haddii dowladdu u dabacdo fekerka qaba in shirka lagu qabto Dhuusa Mareeb waxaa imaan kara in beesha degana Cadaado oo laga ballan qaaday iney shirka martigelinayaan ay diidaan ka qeybgalka shirka Dhuusamareeb, islamarkaana shir kale ka furaan Cadaado.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!