Duqeyn Xoogan Oo Xalay Ka Dhacday Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Duqeyn Xoogan Oo Xalay Ka Dhacday Magaalada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ay ku waramayaan in halkaasi duqeyn xoogan xalay ay ka geysteen diyaaradaha dagaalka Kenya.

Duqeynta ay geesteen Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Saldhig Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Kulbis ee Magaaladda Garbahaarey.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in Duqeynta xalay ka dhacday Deegaanka Kulbis ay sababtay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana la tilmaamay in Shabaabku ay kasoo gaartay Khasaaro aad u badan.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab iyo dowlada Kenya taas oo ku aadan Duqeyntii Diyaaradeed ee xalay ka dhacday Magaaladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!