
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in diyaarad dagaal ay duqeysay Degaanka Basra oo shalay ay dagaal kula wareegeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ilaa labo gantaal ayaa lagu garaacay Deegaanka Basra oo Shalay ay dagaal kula Wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab, kadib markii ay isaga baxeyn Ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Si dhab ah looma oga Khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday Degaanka Basra oo u dhaxeeya Degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Goboladda Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Duqeymaha Diyaaradaha dowlada Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya ayaa sii kordhay kadib markii Dowlada Soomaliya ay ku dhawaaqday Howglka ka dhan ah dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.