Duqeyn lala beegsaday Xaflad Aroos Gobolka Jubbada Hoose

Read Time:35 Second

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal oo loo maleynayo inay leedahay Kenya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Dayac-Garoon oo hoos yimaada magaalada Dhoobley ee gobolkaas,waxaana la sheegay in goobta la duqeeeyey ay ka socotay Xaflad aroos.

Ugu yaraan illaa 3 qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 5 kale oo dhammaan shacab ahaa rayid, sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaah tuulada Dayac-Garoon.

Majirto cid weli sheegatay inay duqeynta ka fulisey deegaankaas, balse inta badan Mareykanka iyo Kenya ayaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliya gobollada Jubbooyinka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %