Mareeg Media
Somalia

Duqeyn lagu diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabelelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in duqayn cusub ay ka dhacday nawaaxiga magaalada Kunyo Barrow ee Gobolkaas.

Ilo ku dhow dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in duqayntan lala beegsaday laba xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwaasi oo weerarka lagu dilay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda sheegay in duqeynta lala bartilmaameedsaday Xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab balse aysan shaacin Magacyadooda.

Dhinaca kale Dowladda Mareykanka oo inta badan fulisa duqeymaha noocaan oo kale ah ayaanan weli ka hadlin iyo sidoo kale Ururka Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!