Duqeyn Lagu dilay Xubno Katirsan Ururka Al-Shabaab

Read Time:1 Minute, 3 Second

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo dhanka cirka ah oo xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka.

Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in duqeymahaasi ay si gaar ah uga dhaceen degmooyinka Jilib, Jamaame iyo deegaanka Cagalibaax, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in weeraradaasi dhanka cirka ah lagu khaarijiyey dagaalyahanno iyo saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, inkastoo aysan shaacin tirada saxda ah ee lagu dilay halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in nolosha lagu qabtay 4 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi, balse xaaladda ayaa saaka dagan.

Maalmihii dambe ayaa waxaa sii kordhayey dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba weerarkaan dhanka cirka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalin ka hor dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla gobolka Lamu, kaas oo ay si wadajir ah uga howlgalayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa dowladda Kenya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %