
Read Time:28 Second
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee (Africom) ayaa sheegay in duqeyn uu ku dilay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiksa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee (Africom) ayaa waxa ay ku sheegeen in duqeyn ay ka fuliyeen meel Magaalada Muqdisho u jirta 40km ku dileen Saddex kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
“Waxaan baaritaan ku sameyneynaa in duqeyntaas oo aan fulinay 27-kii Bishaan in ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika.