Duqeyn lagu dilay Xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Duqeyn lagu dilay Xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Howlgal ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay Sarkaal  sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, Sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Bartilmaameedka howlgalkaasi oo ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka ayaa ahaa Saraakiil iyo Ciidamo katrsan Shabaab  kuwaasi oo ku sugan duleedka Kuunya-Barrow.

Warqoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah mudadii uu socday balse khasaare lagu gaarsiiyay Alshabaab.

“Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab,tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii argagixisada,iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”. Sidaasina waxaa sheegay saraakiisha ciidamada howlgalkaasi hoggaaminaysay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgalada dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!