Duqeyn ka dhacday Gobolka Sh.Dhexe
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolkaasi.
Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in laga fuliyay Tuulada lagu magacaabo Gaala war oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeellada Hoose, islamarkaana halkaasi ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Dad deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen dhawaqa jug culus,sidoo kalena Guuxa Diyaaradaha oo dulmaraya Hawada laga maqlay deegaano ka tirsan Gobolkaasi.
Sidoo kale Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga helayo ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay dulheehaabayaan deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, iyadoona cabsi badan ay soo wajahday dadka deegaanka.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay laga fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose,mana jirto weli cid si rasmi ah uga hadashay duqeyntaasi.
Comments are closed.