Duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo xog laga helay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo xog laga helay

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in duqeyn xoog leh loo geystey xalay saldhigyo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyntan lala beegsaday degmada Saakow iyo deegaanka Salagle halkaa oo ay ku xooggan yihiin dagaalamayaasha Alshabaab.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay sheegeen in duqeymahaas lagu burburiyay Goobo ay Al-Shabaab qaraxyada ku diyarinayeen sidoo kalena la dilay Xubno ku sugnaa goobtaas.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay hase yeeshee duqeymaha lala beegsado ee saldhigyada Alshabaab ayaa waxaa iska kaashada ciidamada dowlada iyo kuwa AFICOM.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee bishan Febraayo 2021 laga fuliyo deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More