Duqeyn Culus Oo Ka Dhacday Gobolka Sh/Dhexe

Read Time:32 Second

Diyaaradaha dowlada Mareykanka ayaa goordhow duqeeyay deegaan ku yaala duleedka Degmada Balcad oo ay Saldhig ku leeyihiin Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradaha ay duqeeyeen tuulo lagu magacaabo Mareerey oo 6 KM u jirta deegaanka Basra, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay saldhig u ahayd Ururka Al Shabaab oo ay ka soo abaabulayeen weerarka ay ku qaadaan deegaanka Basra.

Illaa iyo hada ma cadda Khasaaraha gaaray Saldhigga Al Shabaab, waxaana goobtaasi la xaqiijiyay inay ahayd xarun weyn oo Al Shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Diyaaradaha dowlada Mareykanaka ayaa sii kordhiyay duqeymaha ay ka geystaan Goboladda Shabeellaha Hoose yo Shabeellaha Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %