Duqeymo khasaare loogu geystey Al-shabab oo ka dhacay Jubbooyinka iyo Amiir lagu dilay

Read Time:50 Second

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qasaaraha kadhashey howlgal dhanka cirka ah oo lagu beegsadey fariisimo ay alshabaab kulahaayeen degmooyin katirsan Jubbooyinka.

Duqeymo ay fuliyeed diyaarado jawi hoose ku duulaya ayaa wararku sheegayaan in lagu diley Amiirki Ajaaniibta Guud ee Alshabaab Sheekh Thaabit iyo saraakiil lasocotey.

howl galkan oo kadhacey degmada Jilib ayaa lasheegaya in lala beegsadey 3 markaz oo Alshabaab kulahaayeen Degmadaasi waxaana jira qasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

dhinaca kale diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helecopter-ka looyaqaano ayaa duqeymo ka geystey saldhig wayn oo ku yaala degamada Jamaame ee Gobalka Jubbada Hoose xilli ay kooxda alshabaab isku diyaarinayeen in ay weerar ku qaadaan deegaanka Baarsanguuni sida aan kasoo xiganey saraakiil katirsan hay`adaha amaanka soomaaliya

Todobo gaari oo nooca dagaalka ah ayaa lasheegey lagu burburiyey duqeynta kadhcdey Jamaame waxaana weli la ogeyn tirada kudhimatey duqeynta oo labo jeer oo kala duwan ka dhacdey degmada Jamaame sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Waxii ku soo kordha dib ayaan idinka soo sheegi doonaa.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.