Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Baladweyne ( Mareeg)-Ilo wareedyo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya  in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen Gobolka Hiiraan.

Meelaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah Tuulooyinka Yasooman , Ceeldheer iyo Ceel lahelay kuwaas oo dhammaantooda ay ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan oo lagu Magacaabo Col Max’ed Cumar Aadan Gaduudow ayaa sheegay in duqeymaha bartilmaameedkoodu ahaa xarumo Al Shabaab ay ku sugan yihiin ayna waxyeello xoogan ka soo gaartay.

Ma jiro dhinaca Al Shabaab wax war ah ay oo ay ka soo saareen duqeymaha ka dhacay Gobolka Hiiraan ee saldhigyadooda lala fiirsaday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!