Duqeymo Cusub oo ka dhacay Gobolada Jubbooyinka

Read Time:44 Second

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo Cusub waxaa ay xalay fiidkii ka fuliyeen deegaano hoostaga degmooyin ka tirsan gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Duqeymahaan oo ahaa kuwa is xig xigey ayaa waxaa saraakiil Ciidan ay sheegeen in lala beegsaday Xarumo ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano hoostaga degmooyinka Bu’aale, Jilib iyo Jamaame.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in duqeyntaas lagu diley Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo ku sugnaa xarun hubka lagu keydiyo oo Shabaabku uu ku leeyahay Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe ee Bu’aale.

Saraakiisha ma shaacin Magacyada Xubnaha la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ee lagu diley duqeyntaas,hayeeshee ay sheegeen inay dib ka faah faahin doonaan wararka kusoo kordha.

Duqaymahan waxaa ka sii horeeyay illaa saddex weerar oo laga kala fuliyay deegaanada Kuunyo Barrow iyo Caliyow Barrow ee Gobolka Shabellaha Hoose, laguna dilay afar xubnood oo Shabaabka ka tirsaneyd

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %