DUQEEYN:- Weerar qasaara ba'an lagu gaarsiiyay Maleeshiyada alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DUQEEYN:- Weerar qasaara ba’an lagu gaarsiiyay Maleeshiyada alshabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxa duqeymo xalay ka dhacay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

 

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymahaas oo ka dhacay degmooyinka Jilib, Saakow, Bu’aale iyo Salagle lagu burburiyey illaa shan xarumood oo ay lahaayeen ururka Al-Shabaab.

 

Saraakiisha noo warantay waxa ay sheegeen in degmooyinka Jilib, Saakow iyo Bu’aale duqeymahaas ka dhacay lagu burburiyey 14 gaari oo tikniko ah, waxaana jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawacyo, in kastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee Shabaab loogu geystay duqeymahaas.

 

Ddhanka deegaanka Salagle wararka aan ka heleyno waxa ay sheegayaan in duqeyn lala eegtay sarkaal ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Caydaruus.

 

Saraakiisha aan la hadalnay ee ka tirsan wardoonka Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkaas magaciisa lagu soo koobay Caydaruus uu ku dhintay duqeyntaas.

 

Ugu dambeyntii howgalkaan ayaa waxaa la sheegay in ay iska kaashadeen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Faransiiska iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!