Mareeg Media
Somalia

Duqeeyn lagu dilay sarkaal sare oo al shabaab ka tirsan iyo dagaal ka dhacay jilib(Aqriso)

Duqeyn ka dhacday duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab iyo darawalkiisii, xilli ay ka bexeen degmada Jilib kuna wajahnaayeen deegaan kale oo hoos taga degmadaas.

 

Saraalkiil ka tirsan dowladda, gaar ahaan qeybta war doonka ayaa xaqiijiyey geerida sarkaalkaas oo magaciisa lagu soo koobay Asad, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha ugu saameeynta badan qeybta amniyaadka ee Al-Shabaab, sidoo kale saraakiisha aan ka soo xiganay geerida ninkaan ayaa sheegay in dhawaan loo magacaabay amiirka guud ee amniiyaadka Al-Shabaab.

 

Warbixinta lagu xaqiijiyey dilka Sarkaalkan ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey  inuu ka soo dagaalamay qaar ka mid ah wadamada caalamka, sida Afgaanistaan iyo Ciraaq.

 

Dhinaca kale wax yar uu ka dib markii ay dhacday duqeyntu ayaa xarun kutaal gudaha degmada Jilib oo shir ugu soo gaba gaboobay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa laga maqlay is-rasaaseyn xoog leh oo u dhaxaysay dagaalyahano ka wada tirsan Al-Shabaab, kadib markii sida la sheegay ay kala shakiyeen.

 

Iska hor imaadkaas oo mudo socday ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa shan dagaalame oo uu ku jiro sarkaal goobta ku sugnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka istiraatiiyada xogta , walina lama oga dhaawacyada ka dhashay is rasaaseyntaas.

 

Sidoo kale Al-Shabaab ayaan wali ka hadlin dhacdooyinkaan is xigey ee xalay ka dhacay duleedka iyo gudaha degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!