Duqeeyn lagu dilay Saraakiil muhiim u ah xagjiriinta al shabaab iyo qasaaro gaaray fadhiisinkooda jubooyinka iyo shabeelaha hoose

Read Time:54 Second

Diyaarado dagaal ayaa waxaa la sheegay inay duqeymo dhinaca cirka ah ka geysteen deegaano ka kala tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in duqeymaha ay ka kala dhaceen degmooyinka,Jamaame, Jilib iyo deegaanka Haway oo ka tirsan Gobolka Sh/ Hoose,isla markaana lala beegsaday Xarumo ay ku shirayeen Al-Shabaab.

 

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in duqeyn kale ay ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaanka Haway ee Shabeellaha Hoose laguna dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

 

“laba sarkaal iyo 6 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeymaha oo ka kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose,waxaana ay noqon doonaan kuwa si joogto ah loo fulin doono ayuu yiri”Mid kamid ah saraakiisha Ciidanka dowlada.

 

Diyaaradaha Mareykanka oo gacan ka helaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya Gobolada dalka,waxaana ay sheegaan inay uga gol leeyihiin inay ku wiiqaan awooda Al-Shabaab.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %