Duqa Muqdisho oo shaqo joojin ku sameeyay Waaxda Dhulalka G/Banaadir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Duqa Muqdisho oo shaqo joojin ku sameeyay Waaxda Dhulalka G/Banaadir

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta gabi ahaanba joojiyay dhaq-dhaqaaqyada Waaxda dhulalka ee Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoona Maamulka uu faah faahin ka bixiyay sababta keentay arrintaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa lagu shaaciyay in lagu joojiyay dhammaan shaqadii iyo dhaq-dhaqaaqyadii Waaxda Maamulka Gobolka u qaabilsan dhulalka.

Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbahinta u Akhrinayay Waregtada ayaa waxaa uu sheegay in Waaxda dhulalka ay cabasho iyo dhaliilo kala duwan kasoo gudbiyeen shacabka, isla markaana sidaas shaqada looga joojiyay.

Waxaa uu sheegay Afhayeen Saalax Dheere in Guddoomiye Cumar Finish uu Guddi baaritaan u saari doono cabashooyinka ay soo gudbiyeen dadweynaha iyo wararka Caasimadda dalka ee Muqdisho la isla dhexmaraayo oo ku aadan Arrinta dhulalka.

Waregtada shaqada looga joojiyay Waaxda Maamulka Gobolka u qaabilsan dhulalka ayaa waxaa la ogeysiiyay Madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Gobolka Banaadir.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.