
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.
kulankani ayaa ujeedkiisu ahaa dardargalinta mashaariicda horumarineed ee ka socota Caasimadda,sida agu sheegay War-Saxaafadeed laga soo saarey kulankaas.
Kulanka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish iyo Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya ayaa si Wadajir ah u daahfuray mashruuca Saanqaad oo ah mid mashruuc cusub oo uu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in lagu xoojiyo horumarinta ganacsiga cusub ee Caasimadda.