Duqa Muqdisho oo ku dhawaaqay howlgal ballaaran

Read Time:29 Second

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa goor dhow ku dhawaaqay in Magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan howlgallo ballaaran, waxaana uu sheegay in Xaalad deg deg ah lagu soo rogay  Magaalada.

Yariisow ayaa xusay in Ciidanka Booliska ay bilaabi doonaan howlgallo guri guri ah oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya inta uu socdo howlgalka.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka shacabka inta ay socdaan howlgallada in ay muujiyaan dulqaad, maadaama uu sheegay in Magaalada ay ka jiraan dhibaatooyin waa weyn.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %