Duqa Muqdisho oo ku baaqay in lasoo qabto askari dil ka geestay magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in lasoo qabto askari dil ka geestay magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo xalay Warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa si kulul uga hadlay dil askari katirsanaa ciidanka Taraafikada Muqdisho ugu geestay nin Shacab ahaa.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn tacsi u diray eheladii uu ka baxay Marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh oo shalay askari katirsanaa Ciidanka Taraafikada ku dilay Laamiga Wadnaha gaar ahaan xaafada Geed Jaceyl.

Waxa uu sheegay Duqa Magaalada Muqdisho in aan la aqbali karin ciidamada nuucyada kala duwan in ay dhibaateeyaan dadka shacabka , waxa uuna ugu baaqay saraakiisha laamaha amaanka in ay gacanta kusoo dhigaan askariga dilka geestay.

Shcab badan ayaa ka carooday dilka shalay ka dhacay Degmada Wardhiigley, waxaana marxuunka la dilay oo ahaa nin si weyn loo yaqaanay uu kusoo baxay dhibaato ciidamo katirtsan Taraafikada ku hayeen darawalada isticmaasha Laamiga Wadnaha, kuwaa oo ugu dambeyn marxuunka dilay.

Ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa mararka qaarkood dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhaawac u geesta dadka shacabka ah, waxaana marar badan dhacday in gacanta cadaalada ka baxsadaan askarta shacabka dhibaateesa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!